Masaalixda Bulshada wey isku xirantahay Mas’uul kastana waxaa saaran, mas’uuliyad, tuus ah iyo mid dadban ,wasaaradda Caafimaadka waxaa ku waajibah sidii loo heli lahaa bulsho caafimaad qabta.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu ka mid yahay mas’uuliinta sida dadban ay u saameyneyso arimaha caafimaadka .
Sidaas awgeed wuxuu soo saaray war-saxaafadadeed, ka kooban 12 qodob, gudoomiyuhu , wuxuu diiradda saaray si looga hortago covid-19 , asaga oo garwaaqsadey ahmiyadda gorsoorka iyo in ay adgtahay in la fasaxo dhamaan hey’adahada ka shaqeeya garsoosrka, ayuu war-saxaafdeeka ku tusmeeyey “ Hoos u dhigid dhammaan hawlaha shaqo ee garsoorka mudo laba todobaad ah”
Qodobadda war-saxaafadeedku waa sidan:-
- Waxa aad hoos loogu dhigay dhammaan hawlaha shaqo ee garsoorka muddo laba todobaad ah oo ka bilaabanta21/03/2020.
- Waxa lahakiyey dhageysiga dacwdaha Maxkamaddha kala duwan ee dalka muddo laba todobaad ah oo ka bilaabanta 21/03/2020.
- Waxaa la hakiyey fulinta Xukunadda Maxkamadaha kazoo baxey muddo laba todobaad ah .
- Waxaa la farayaa Garsoorayaasha in ay dib u dhigaan dhammaan dacwaddaha mudeysan inta u dhaxeysa 21/03/2020 iyo 05/04/2020.
- Waxa la hakiyey qabashada dacwadaha cusub iyo rafcaanada laga qaatay xukunadda iyo go’aanadda Maxkamaddu horey ugaadheen Muddo laba todobaad ah .
- Dhammaan rafcaanada wkhtigoodu dhacayo waxa la siin doonaa wakhti dheeraad ah oo ay kaga rafcaan qaadan karaan xukunadda iyo go’aanada
- Waxa lahakiyey dhammaan kulamadda shirarka iyo tababarada muddo laba todobaad ah.
- Saraakiisha iyo shaqaalaha garsoorka garsoorka waxa la farayaa in muddadaas ay ka shaqeeyaan soo saarista xukunnada ay horey u gaadheen iyo shaqooyinka kale ee aan keensanayn isu-imaatin tiro dad ah
- Dadka muddadaas loo soo xidho tuhumada yaryar waxaa lagula tacaali doonaa saldhigyada boliiska iyada oo laraacayo hagista xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka .
- Waxa la joojiyey booqashada dadweynaha ee xabsiyada dalka iyada oo xeer ilaaliyaha guud ee qaranak ka soo saari doono amar arintaas lagu dhaqan galinayo
- Garsoorka dalka waxa la faraya in ay xogta ka qaataan wasaaradda Caafimaadka una hogaansamaan awaamiirta iyo talooyinka ay bixineyso wasaarada caafimaadku.
- Go;aankani wuxuu dhaqan galayaa 21/03/2020 iyada oo si joojta ah dib u eegis loogu sameyn doono si waafaqsan hadba xaalada lagu jiro.
Hadii si qota dheer ugu fiirino innaga oo ka eegeynna danta Macaamiisha Qareennada aan u nahay waxaa noo soo ifbaxaaya hawlaha la qaban karo Muddada hoos u dhiga hawlaha garsoorka , qareenka Macmiilkiisa si hufan ugu shaqeya ,Hoostaan waxaan ku soo koobey hawlaha uu qaban karo qareenka daacadda u ah macmiilkiisa :
- Ka shaqeynta muddeynta dhageysiyada dacwadaha iyo kuwa in la mudeeyo loo baahan yahay.
- Ku dhufashada dhaqangalka xukunnada dhaqan galay.
- Durid garsoore iyo gal ka wareejin.
- Sameynta qoraalada dacwadaha, Rafcaannada iyo is-hortaagyada xukunada la fulinayo.
- Dhammeystirka habraaca socodsiinta dacwadaha ka horreeyay go’aanka.
- Dabagalka baaritaannada dembiyada.
- Dabagalka cabashooyinka Xeer-Ilaaliyaha
- U yeeridda dacwadaha furan.
- Booqasho ama kormeer goobeed.
- Dabagalka Rafcaannada furan.
- Sameynta sugnaanta.
- Codsi iyo soo saarid amaro soo qabasho.
- Dabagalka warqadaha laga sugayay khabiirka iyo maamulka guud.
- Dhammeystirka qoraallada sharciyada.
- Diyaarinta hawlaha hordhaca ah ee dacwadaha cusub.
- Joojin fulinta xukunnada.
- Bixinta latalin sharci.
- Sameynta Xayiraadaha.
- Sameynta dhaxalkoob.
- Dhammaan hawlaha ku xiran Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida ma saameynayo go’aankan.
Waxaan soo qoridoonnaa sida ay u fahmaan hawl wadeennada garsoorka hawlaha la qaban karo mudda hoos u dhigidda hawlaha garsooorka iyo sida ay ugu shaqeeyaan Qareennadu danaha Macaamiisheedo.
Qareena Anasa Shaafific