www.warsamelaw.so Wasaaradda Cadaaladda JFS ayaa waxay xaflad oo ay ku soo bandhigeyso wax qabadka sanadii tagay ee 2019 ka ku qabatay Hoolka weyn ee Hotel Royal Palace kaasoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin isugu jira Madaxda Dowladda iyo marti sharaf kale.
Xafladda ayaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidamada Amniga ee Wadooyinka Generaal Madaale, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Haweenka Marwo Sahra, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe, Ku simaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Maxamed Ibraahim, Ku xigeenka Guud ee Xeer Ilaalinta yaxye Maxamuud, Garyaqaanka Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed iyo masuuliyiin kale
Xafladda inta ay socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Wasaaradda Cadaaladda JFS ee sanadkii tagay 2019kii, sidoo kale xafladda ayaa shaqaalaha qaar xilal kala duwan loo dallacsiiyo iyadoo sidoo kale qaar ka mid ay ku muteysteen halkaasi in ay ku guddoomaan shahaado sharaf ay wasaaradda ku abaal marisay shaqaalihii mudnaa shahadaado sharafkaasi.
Wasiirk Wasaaradda Cadaaladda Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa bogaadiyay kana warbixiyay sida wacan ay wasaaradda howlaheedii u socdaan mar waliba ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan dhibanaha raadinaya cadaaladda ka dibna cadaaladda uu mudan yahay loo raadiyo iyadoo bulshada ugu adeegeyso si siman oo lacag la’aan ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu codsaday in la raadiyo Qalabka DNA oo fududeyneysa hadii kiiska uu yahay mid kufsi ah in lagu kala ogaado eedeysanaha la soo gudbiyay in uu yahay midka saxda iyo inkale.
Ugu dambeyn xafladda ayaa ku soo dhamaatay jawi fiican iyagoo dhamaan ka soo qeybgalayaasha xafladda ay aad u amaanayeen howsha ay Wasaaradda Cadaaladda Bulshada ay u heyso