Qareenada madaxa bannaan ee Puntland ayaa barlamaanka Puntland u gudbinaya dacwad ka dhan ah guddoomiyaha maxkamada sare Puntland, Nuur Ciise Maxamed sida sida uu xaqiijiyaha mid ka mid ah Qareenada madaxa banaan.

Dacwadaan ayaa barlamaanka looga codsanayaa in la soo saaray wareegto kasoo baxday Kusimaha gudoomiyaha mxkamadda sare ee Puntland, taasoo uu ku amrayo in lacago sharci darro ay ku sheegeen oo lagusoo rogay Qareenada ka howlgala Puntland.

Qareenada waxay horey u joojiyeen shaqadii ay qaban jireen taasoo saameyn ku yeelatay shaqooyinkii maxkamadaha, maadaama qareenadu yihiin hay’ad madax bannaan oo adeeg sharci siisa dadka lasoo eedeeyo.

Warqad 2dii bishaan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamada sare ayaa lagu wargaliyay qareenadu in ay bixiyaan ajuurooyin iyo canshuuraad lagusoo rogay ruqsadahooda iyo adeegga sharci ee dadweynaha u qabtaan.

Qareenada waxay ku doodayaan in canshuurtaan lagusoo rogay ay xadgudub ku tahay xeerka qareenada Puntland taasoo sababtay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dacwad ka gudbiyaan Qareenada madaxa banaan

Hoos ka aqriso Wareegtada ka soo baxdya Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland