Ciidamda Asluubta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa la aasay taariikda marka ay aheyd 22 February 1970kii iyagoo mar waliba u diyaarsanaa waajibaadkooda shaqo in ay u gutaan sida ugu wanaagsan ee sharcigu waafaqsan yahay, laga soo bilaabo xiligaasi ilaa iyo haatan waajibaadkooda shaqo si hufan u soo gutay marka laga saaro dhowrkii sano uu wadanka burburka iyo qalalaasaha ku jiray
Ciidamadaani Asluubta ayaa ka mid ah Ciidamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyagoo si gooni ah ugu xil saaraan in ay ka warhayaan ilaaliyaana Maxaabiista iyo Xabsiyada Dalka ka jira.
Xafladda Sanad Guurada 50aad ee Ciidamada Asluubta ayaa lagu qabtay Xarunta Ciidamada Asluubta iyadoo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Madaxda Dalka uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Xafladaani ayaa si wacan loo soo agaasimay iyadoo la sugay amniga iyadoo ay ku soo dhamaatay nabad iyo salaama.