Dood Wadaag ay soo agaasimeen Goobjoog TV kaasoo looga hadlayay Sarreynta Sharciga ayaa waxaa ka qeyb Galay Gudoomiye Ku Xigeenka Warsame Law Firm Dr. Annas Shaafici Sh. Cabdiraxman.

Doodaasi looga hadlaya Sarreynta Sharciga ayaa guddoomiye ku xigeenka Wuxuu sheegay in Sharciga uu ka sareeyo wax waliba lana doonayo in lagu dhaqmo sharciga isagoo carabka ku dhuftay Sharciga inuu yahay wadada kaliya ee wax waliba lagu sixi karo lana doonayo in sharciga mar waliba loo hogaansamo

Guddoomiye ku xigeenka aya sheegay in sharciga muhiimadiisu uu yahay in dadka la kala dhiciyo si aysan u dhicin wax sharciga aan waafaqsaneen uu qofna qofka kale ku xadgudbin sharcigana hago dhamaan bulshada kala duwan ee aduunyada ku kala nool.

Dhanka Kale Dr. Xasan Cali Nuur ayaa tilmaamay in sharciga uu ka horeeyo amniga alkana uusan ka jirin wax amni ah sidaasi darteed loo baahan yahay marka hore in amniga la hagaajiyo ka dib loo hogaansamo sharciga waayo hadii uusan amaan jirin ma jiro karo wax sharci waa sida uu Dr. Xasan Yiri

Ugu dambyn waxay dood wadaagii ku soo gabagabooday sida ugu wanaagsan iyadoo labada dhanba isku af garteen in amniga iyo sharciga la mideeyo