Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka furan galal fara badan oo ku saabsan dacwado dhulal ku yaalla degaanka Gobolka Banaadir.

Dacwadahani waxey leeyihiin dabiicado sharci oo kala duwan. Qaar ka mid ah waxay ku saabsan yihiin dhaxal iyo dardaaran. Kuwaan waxaa ikhtisaas maaddi ah u leh Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir sida uu qabo Qodobka 7aad Xeerka Habka Maddaniga (XHM).

Maxkamadahan waxey ka garnaqaan dacwadaha dhulka ee ku saabsan dhaxal qeybin, siin qismiga dhaxalka, siin qeyb dhul ah oo dardaaran lagu yeeshay iwm. Maxkamadaha Degmooyinka ma geli karaan dhulka hibo, beec ama siismo, nooleyn iwm. lagu yeeshay.
Ikhtisaaska Maxkamadda Degmada wuxuu ku xaddidan yahay Xuduudaha degmadaas. Haddaba, waxaa loo baahan yahay in Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banadir ay dhawraan labadan nooc ee ikhtisaaska marka loo soo gudbiyo dacwad dhaxal iyo dardaaran ah oo dhul ku saabsan.

Inta badan, dacwadaha ku saabsan dhulka Gobolka Banaadir waxaa laga furaa Maxkamadda Gobolka, haddii laga reebo kuwa ay Maxkamadaha Degmooyinka ikhtisaaska u leeyihiin. Dacwadahani waxaa looga kala garnaqsadaa lahaanshaha iyo/ama gacan ku heynta dhulka.
Marka la furayo dacwad dhul waxaa loo baahan yahay in qofka dacwadda qaba uu Maxkamadda ikhtisaaska leh u gudbiyo arji dacwad ugu yeerid ah oo ay u dhan yihiin shuruudaha ku tilmaaman qodobka 119 XHM. Shuruudahan waxaa ka mid ah xaddidda dhinacyada dacwadda, mowduuca dacwadda, soo bandhigidda Sharciga loo cuskanayo dacwadda iwm.
Habraaca socodsiinta dacwadaha dhulka wuxuu ku tilmaaman yahay qodobbo kala duwan oo ku jira uu Xeerka Habka Maddaniga. Marka arjiga dacwad ugu yeeridda loo gudbiyo Maxkamadda ikhtisaaska leh lana dhammeestiro nidaamka gal furidda waxaa loo baahan yahay in Guddoomiyaha Maxkamadda uu galka la furay ku qoro garsoore. Garsooruruhu wuxuu u yeerayaa dacweysanaha isagoo u diraya nuqulka arjiga dacwad ugu yeeridda siinayaa muddo 15 beri ah haddii dacweysanuhu ku sugan yahay degaanka Gobolka Banaadir. Muddadu intaas wey ka badaneysaa haddii uu dacweysanuhu deggan yahay degaan ka baxsan Gobolka Banaadir oo dalka gudihiisa ama dibaddiisa ba ah. Garsooruhu wuu soo gaabin karaa muddooyinka la soo sheegay ilaa saddex dalool hal dalool haddii ay jirto xaalad deg deg ah oo sidaas dalbeysa.